shir wacyi galin ah oo la xariiro kor u qaadaayo isticmaalka wax soo saarka badda

Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda Galmudug ayaa ku qabatay Degmada Baxdo shir wacyi galin ah oo la xariiro kor u qaadaayo isticmaalka wax soo saarka badda Galmudug iyo cunista kalluunka.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda Kalluumeysiga Abdirashid M. Abdi iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Baxdo Mdne Ahmed Salad Sh. Abdullahi, Hawl wadeeno ka tirsan Wasaaradda iyo Maamulka degmada Baxdo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa shirka kaso qeyb galay.
Shirka waxaa furitaankiisi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda isagoo faahfaahin ka bixiyay u jeedada laga leeyahay isticmaalka Kalluunka gaar ahaan magaalooyinka ka fog xeebaha ee Galmudug.
Bulshada deegaanka ayaa sidoo kale wasaaradda la wadaagay baahida agab iyo kaydka kalluunka ee ka jira Degmada Baxdo oo dhacda bartamaha Galmudug ahna Magaalada Istaraatiiji u ah isku xirka Degmooyinka Galmudug.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Scroll to Top