Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda Galmudug ayaa ku qabatay Degmada Bandiiradley shir wacyi galin ah oo la xariiro kor u qaadaayo isticmaalka wax soo saarka badda Galmudug iyo cunista kalluunka.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda Kalluumeysiga Abdirashid M. Abdi iyo Gudoomiyaha Abdirisak Ahmed Jama, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Bandiiradleey, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Iskuduwaha Gobalka mudug ee Wasaraada Kalluumeysiga, Maamulka degmada Bandiiradleey iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa shirka kaso qeyb galay.
Shirka waxaa furitaankiisi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda isagoo faahfaahin ka bixiyay u jeedada laga leeyahay isticmaalka Kalluunka gaar ahaan magaalooyinka ka fog xeebaha ee Galmudug.
Bulshada deegaanka ayaa sidoo kale wasaaradda la wadaagay baahida kaydka kalluunka ee ka jira Degmada Bandiiradleey oo ah degmo muhiim u ah isku xirka ganacsiga degmooyinka Galmudug.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.