Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garad Qowqabo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Abdirashid M. Abdi ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha cusub ee Wasaaradda oo ka socda Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Wasiirka, Agaasimaha iyo qaar mid ah howl-wadeenada Wasaaradda ayaa u kuur galay sida uu u usocdaan dhismaha xafiisyada cusub ee Wasaaradda.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhageeystay Injineerada gacanta ku haya howsha dhismaha, waxaana la filayaa in mudda kooban lagu soo gaban gabeeyo xafiisayada Wasaaradda.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Scroll to Top