Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Garad Qowqabo ayaa ka qeeyb galay Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Mudane Cali Daahir Ciid.
Shirka ayaa ugu horreyn warbixin la xiriirta Amniga looga dhageeystay Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug.
Intaas kaddib Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug ayaa aad uga dooday mashaariicda socota iyo kuwa hortabinta iyo mudnaanta u leh bulshada Reer Galmudug.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa golaha kula dardaarmay dardargelinta qorshaha Dowladda.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.