
Dhuusamareb, 11-kii Sebtember 2024 – Kulan muhiim ah oo ay yeesheen Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Galmudug iyo Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt, ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda ee magaalada Dhuusamareb. Wafdiga uu hogaaminayay Wakiilka FAO ayaa magaalada u yimid si ay uga qeybgalaan munaasabadda xarig-jarka xarunta cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada iyo shaqaale kale oo muhiim ah, ayaa diiradda lagu saaray fursadaha horumarineed ee ku jira kalluumeysiga Galmudug, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa nidaam kalluumeysi oo waara, laguna kobcin karo dhaqaalaha deegaanka iyadoo la ilaalinayo kheyraadka badda.
Kulanka waxa uu muujiyay sida ay muhiim u tahay iskaashiga dhow ee u dhexeeya dowladda Galmudug iyo hay’adaha caalamiga ah sida FAO, taas oo si cad u muujisay diyaar u ahaanshaha Galmudug ee dhinaca horumarinta siyaasadaha iyo dhaqangelinta qorshayaasha lagu horumarinayo kalluumeysiga. Waxa uu kulanku sidoo kale fursad u noqday in la is dhaafsado aragtiyo ku aaddan taageerada farsamo, tababarada kalluumeysatada, ilaalinta deegaanka badda, iyo fududeynta suuqyada kalluunka.
Xiriirka noocan ah ee labada dhinac waxa uu caddeyn u yahay horumarka iyo fursadaha ay Galmudug leedahay, iyadoo la adeegsanayo kheyraadka dabiiciga ah si mas’uuliyad leh, lana hubinayo in jiilasha dambe ay iyaguna ka faa’iideystaan.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Galmudug waxay mar kale muujisay doorkeeda firfircoon ee hoggaamineed ee la xiriira kobcinta dhaqaalaha badda iyo iskaashi dhisidda hay’adaha ay daneeyeyaashu la wadaagaan.





