Wasiir Garad Qowqabo oo Wasaaradda Ku Soo Dhaweeyay Kusimaha Madaxweeynaha Ahna Madaxweeyne kuxigeen Galmudug

Kusimaha Madaxweeynaha ahna Madaxweeyne kuxigeen Galmudug oo maanta kormeer Shaqo ku yimid Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug .

Cali Daahir Ciid Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ahna kusimaha Madaxweeymaha, oo maanta kormeer shaqo kusoo gaaray Wasaaradda ayaa kormeerkiisa mid mid ugu booqday xafiisyada Wasaaradda halkaa oo howl-wadeenada Wasaaraddu ka wadeen howlahooda shaqo, ee maalin laha ah.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garad Qowqabo ayaa madaxweeynaha kusoo dhaweeyay xarunta Wasaaradda, waxaana halkaa lagula wadaagay Madaxweeynaha waxi u qabsoomay Wasaaradda 2024.

Ugu dambeeyn madaxweeynaha ayaa bogaadiyay dadaalka Wasaaraddu ugu jirto sidi lagu hormarin lahaa kalluumeysiga waara ee Galmudug.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top